4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Baarlamaanka Puntland oo go'aamiyay qaabka loo ansixinayo xukuumadda

Axad, Feberaayo,10, 2019 (HOL)- Baarlamaanka Puntland oo maanta yeeshay fadhi ay soo xaadireen 53 Xildhibaan ayaa ka doodday qaabka loo ansixinayo golaha wasiirrada cusub ee la filayo inuu dhawaan magacaabo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaannada waxaa ay si adag uga doodden in wadar codka kalsoonida loogu qaado golaha wasiirrada iyo in si kali kali ah Baarlamaanka ay u horyimaadan wasiirrada.

Labo mar oo codka loo qaaday tiro is la'eg ayay ku dhammaatay, markii saddexaad ayaa waxaa codka badan helay in si wadar ah oo u dhiganta si guud xukuumadda in hal mar codka kalsoonida loo qaadayo.

Xildhibaano gaaraya 26 Mudane ayaa u codeeyey in si duuduub ah Baarlamaanka loo horkeeno xukuumadda kaddibna la ansixiyo, 24 Xildhibaan ayaa u codeeyey in mid mid loo horkeeno golaha Wasiirrada kaddibna qofwalba kartidiisa lagu qiimeeyo, saddex Xildhibaan ayaan codeynta ka qayb qaadaan oo ka aamusay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in si wadar ah codka loogu qaadi doono golaha wasiirrada ee uu soo magacaabayo madaxweynaha Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]