4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo,10, 2019 (HOL)- Koox hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda ka dambeysay dilkan ay  saarnaayeen gaari yar iyagoo toogasho ku diley sarkaalka oo ku sugnaa  goob ganacsi oo uu wax ka iibsanayay.

Sarkaalka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Canshuur waxaana uu ka mid ahaa ciidamada ka howlgala saldhigga Booliska degmada Hodon.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda geysatay dilka ay goobta ka baxsatay kahor inta aysan ciidamada Boolisku gaarin goobta uu dilka ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha amaanka dowladda Soomaaliya oo la xiriira toogashadan ugu danbeysay ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]