4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Ciidamada Amaanka oo howlgal ka wada Gaalkacyo

 

Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan xalay ku dileen Waqooyiga magaalada nabaddoon ka mid ahaa waxgaradka gobolka Mudug.

Nabaddoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Maxamed Cabdi Bale, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Ciidamada Amaanka ayaa saakay ka wada qeybo ka mid ah magaalada Howlgal ballaaran lagu sugayo amniga laguna baadigoobayo kuwii ka danbeeyay dilka nabaddoonka.

Ciidamada ayaa la sheegay in qeybo ka mid ah magaalada guri guri u baarayaan, iyaga oo sidoo kalana su’aalo weydiinaya shacabka bal haddii ay jiraan ugu yaraan cid aragtay ragga toogashada nabaddoonka ka danbeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]