Xulka Qadar oo 3-1 uga guuleystay xulka kubadda Cagta Japan
Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)- Xulka Kubbada Cagta dalka Qadar ayaa 3-1 ku
garaacay xulka kubadda Cagta dalka Japan, taasoo u suur-tagalisay in ay ku
guuleystaaney Asian Cup.
Cayaarta oo aheyd mid aad u adag ishana lagu wada
hayay ayaa waxaa siweyn uga dhax muuqday dhinaca xulka Qadar cayaar yahanno
dhowr ah la soo shir-tagay xirfad sare oo suurtagalisay in ay quusiyaan xulka
Kubadda Cagta Japan.
Cayaar yahanka Qadar Cafif oo asal ahaan ka soo
jeeda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa cayaartooydii sida weyn garoonka uga
soo dhax muuqday.
Xulka Kubbada Cagta dalka Qadar ayaa guulaha ay
ka gaareen tartankan waxaa uu u yahay mid caalamka ay tuseen sida ay isugu
diyaari-nayaan tartanka ciyaaraha adduunka ee soo socda kaasoo uu dalka Qadar
martigelin doono.
Xulalka Qatar ayaa horay uga badiyay xulalka kubadda cagta dalalka Sacudi Carabiyo iyo Imaaradka
Carabta oo ay siweyn u xifaaltamaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com