4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Bulshada rayidka ah ee Puntland oo baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada ka socda gobolka Mudug
 

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Dallada ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee Puntland, ayaa Baaq nabadeed ka soo saartay dagaalada ka socda Af-barwaaqo iyo degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.

Dallada waxay ugu baaqday Puntland iyo Galmudug inay kawada shaqeeyaan masaalixda bulshadooda ayna u howlgalaan sidii loo dhameyn lahaa colaada dhextaala labada beelood ee deriska ah.

Hadalka dallada bulsahda rayidka ah ee Puntland, ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta dagaal aad u culus oo geystay khasaare baaxad weyn oo leh dhimasho iyo dhaawac uu dhexmaray labada beelood.

Halkaan hoose ka akhriso baaqa nabadeed.


Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]