Xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland oo ka walaacsan xadhiga ku badanaya Somaliland
Isniin, December 09, 2019 (HOL )– Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa walaac ka muujiyey xaaladda xuquuqal insaan ee Somaliland, waxaanay warbixin ka diyaariyey mudooyinkan u dambeeyey xadhiga lagula kacay wariyeyaal iyo dad rayigooda soo bandhigay.
Xaruntu waxay sheegtay in sanadkan la xdihay 88 qof oo aragtidooda dhiibtay, kuwaasi oo ay
ka mid yihiiin 29 suxufi iyo 59 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn.
“Hada waxa dacwad ciqaab ahi ku socotaa tafatiraha Horn
Cable TV, Cabdiqaadir Saleebaan Cusmaan (Coday) oo lagu haysto war
telefiishanku sii daayay oo ku saabsanaa waraaq shirkad diyaaradaha ahi u
qortay gegida diyaaradaha ee Somaliland iyo waraysi laga qaaday hogaamiye
jabhadeed.”ayaa lagu yidhi qoraal ay qoreen xadhiga ku sii badanaya Somaliland.
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Somaliland Yasmin
Omar Haji Mohamoud oo xadhiga iyo tacadiga ka dhanka ah xoriyatul qawlka
Somaliland ka diyaarisay warbixin dheer, ayaa sidan qornayd:
Sanadkan waxa la xayiray afar warbaahinood:
• Maxkamad ayaa xayirtay shabakadda wararka ee Hadhwanaag
kadib markii ay daabacday eedo musuqmaasuq oo lagu eedeeyey gudoomiyaha Bangiga
Dhexe. Waxa la xidhay sadex suxufi oo ka tirsan shabakadda kuwaas oo markii
danbe lagu sii daayay damiin. Hada waxaay u baxeen dalka debediisa iyaga oo
sheegay inay baqdin uga carareen dalka.
• 10 February 2019 waxa la xayiray mudo sanad ah wargayska
Foore oo lagu haystay war uu ka qoray madaxtooyo cusub oo laga dhisayay
Hargeysa.
• 15 June 2019 waxa amar uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta
lagu xayiray labada telefiishan ee Horyaal iyo Eryal. Looma sheegin waxa lagu
xayiray. Wad hadal kadibna waa laga qaaday xayiraadii.
• Wasiirka warfaafintu amaro is daba joog ah oo cabudhin ku
ah warbaahinta ayuu soo saaran sanadkan gudihiisa.
Cabudhinta lagu hayo mucaaradka
Habeenimadii 17th of November 2019 waxa la xidhay xoghayaha
guud ee xisbig mucaaradka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, iyo af-hayeenkii
xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun, kadib markii xisbigu ku baaqay in
taageerayaashiisu isugu yimaado xarunta guud ee xisbiga. Waxaay xabsiga ku
jireen 9 maalmood. Waxa lagu soo daayay dhex-dhexaadin.
Waxa sidoo kale la xidhnaa oo isla mar la sii daayay Cabdi
Ibraahim Cabdulle oo ah muwaadin rayid ah oo lagu qabsaday hadal kaftameedka
caan baxay ee “ila meerayso” oo ay dawladdu dhibsatay.
Maxamed Sidiiq Dhame oo ah hogaamiyaha garabka dhalinyarada
ee xisbiga Waddani ayaa la xidhay 1 May 2019 kadib markii uu dhaliilay xaalad
degdeg ah oo ay dawladdu ku soo rogtay gobolka Sanaag. Wuxuu xidhnaa laba
bilood iyo badh.
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha
Wakiilada ayaa la xidhay 9 May 2019 markii uu dhaliil ku aadan dabaal degga 18
May jeediyay. Xadhigiisu wuxuu ka soo horjeeday dastuurka oo damaanad qaaday
xorriyada hadalk islamarkaana mamnuucay in la xidho xildhibaan hadii aan
ogolaansho laga haysan Golaha uu ka tirsan yahay. Maxkamadu way diiday inay
rumaan garayso, sidoo kale baarlamaanku wuu diiday inuu maamuuska ka xayuubiyo.
Hadana wuxuu xidhnaa mudo bil ah. Waxa lagu xidhay qaybta u dhisan argagixisada
ee ku taal CID da Hargeysa. Waxa lagu sii daayay dhex-dhexaadin oday beelleedyo
galeen.
Dawladda Somaliland waxaay is-hortaagtaa mudaharaadda aanay
iyadu ogolaansho siin. 16 November 2019 xisbiga mucaaradka ah ee Waddani wuxuu
ku baaqay isku soo bax taagerayaashiisu ku tagaan xaruntooda Hargeysa. Waxaay
kaga cabanayeen muran ku aaadan xubnaha cusub ee Gudida Doorashooyinka.
Arooryadii 18 November markii taagerayaashoodu ku soo urureen xarunta waxa ay
meeshii ugu tageen gawaadhi booliis ka buuxo oo ku hareeraysan xarunta. Iyaga
oo arooryadii hore la sii wareegay xafiiska, debedana uga saaray shaqaalihii.
Badhasaabka gobolka Hargeysa wuxuu amar ku siiyay hudheelada
Hargeysa inanaay ogolaan shir ama xaflad aan mark hore ogolaansho ka haysan
dawladda. Amarkan oo ka soo horjeeda dastuurka wuxuu cabudhin ku yahay
xorriyadda kullanka. Wuxuu si gaar ah u saameeyey xisbiyada siyaasadda oo
sheegay in la iska hortaagay kulan.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac wayn ka qabtaa
falalka ay dawladdu ku kacayso. Waxaanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta inay
ixtiraamaan dastuurka, joojiyaan ciqaabta warbaahinta, iyo cabudhinta ay ku
hayaan mucaaradka iyo dadka dawladda dhaliila. Waxaanu dawladda ugu baaqaynaa
inay xayiraadda ka qaado warbaahinta ay xayirtay iyo inay sii dayso suxufi
Cabdiqaadir Saleebaan Coday.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.