4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Uganda '' 36 Ruux oo daadad ku dhintay

 

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay daadad socday muddo todobaad ah ay gaartay 36 qof ayna kumanaan qof oo kale ku xanniban yihiin ka dib roobab xooggan oo ku dhuftay gobollada ku yaalla dhanka bari ee dalkaasi.

Irene Nakasita oo ka tirsan ururka Bisha Cas ee Uganda ayaa sheegtay in howlgalkii gurmadka iyo badbaada ay caqabad ku noqdeen wadooyinka oo ay roobabku burburiyeen.

“Waxaan go’aansannay in la sameeyo guryo kumeel gaar ah inta ay xaaladdu ka hagaagayso. Waxay u badan tahay in xarunta Bubukwang la dejin doono ilaa 700 oo qof oo ka soo barakacay Bundibugyo.” Ayay sheegtay Irene.

Dhankiisa, Wasiiu-dowlaha Musiibooyinka iyo Gargaarka Musa Ecweru ayaa sheegay inuu jiro walaac ah in cudurrada ka dhasha biyaha wasakheysan ay ka dillaacaan aagagga ay daadadku saameeyeen.

“Waxaa jirta khatarta ah in biyaha wasakheysan oo haddii aan wax laga qaban ay iman karto caqabado cusub iyo inuu dillaaco cudurka daacuunka,” ayuu Ecweru yiri.

Ecweru ayaa sheegay in dowladdu ay bixineyso adduun dhan 5 milyan iyo bar oo lacagta dollarka ah taasi oo loogu talogalay in lagula tacaallo cudurrada ka dhasha biyaha, gargaar raashin ah lagu gaarsiiyo dadka dhibban iyo waliba in dib u dhis loogu sameeyo buundooyinka ay daadadku burburiyeen.

Sida ay ku warramayaan mas’uuliyiinta Uganda, daadadka ayaa la filayaa iney gabi ahaanba joogsadaan bisha January maadaama cimiladu ay soo hagaageyso.

Saynis-yahannada ayaa in mudda ahba ka digayay in sare u kaca heer-kulka badda uu keenayo roobab xilliyadeed waxyeelo badan dhaliya islamarkaana soo noqnoqda.

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha gargaarka ee UNOCHA  ayaa todobaadkii hore sheegtay in roobab xooggan iyo daadad ku dhuftay  dalalka Bariga Africa ay saameeyeen ku dhowaad 3 milyan oo qof ayna ku  geeriyoodeen ilaa 280 qof.

VOA