4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Xuska maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta dalka Itoobiya oo maanta lagu xusayo Addis Ababa
  

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Xuska maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka Itoobiya ayaa maanta oo Isniin ah si wayn loogu xusay magaalada Addis Ababa.

Xuskan oo ah kii 14aad ayaa waxaa isugu yimid qowmiyadaha wada dega dalka, sidoo kale madaxda degaannada dalka ayaa xuskan kasoo qayb galay, waxayna qowmiyaduhu kusoo bandhigayaan xuskan ciyaaro dhaqameedka degaan walba iyagoo muujinaya siday oogu farax sanyihiin wada noolaanshahooda ay kuwada nool yihiin dalka Itoobiya.


Xuska sannadkan ayaa kusoo hagaagaya xilli dalka uu kusoo biiray degaan cusub, sidoo kale isbaddalka siyaasadeed ee dalkuna uusan fadhiyin.

Hiiraan Online