3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Puntland oo Galmudug ku eedeysay inay ka hurinayso colaada bariga gobolka Mudug
 

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalo ka socda degaano hoos yimaada degmada Towfiiq ee gobolka Mudug oo ay ku dagaalamayaan labo beelood.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo Garowe kula hadlay saxaafada, ayaa sheegay Puntland inay aad uga xun tahay in dad deris isku laayaan aargoosi qabiil.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa maamulka Galmudug ku eedeeyay inay ka dambeeyaan hurinta colaada , isagoo tilmaamay inay gaadiid dagaal usoo direen mid kamid ah beelaha dagaalamaya.

"Degmada Towfiiq ee Puntland waxaa saakay soo weeraray ciidamo ka socda Galmudug, waxaana ugu baaqaynaa in dagaalkaas la joojiyo, mana doonayno in la jebiyo nabad muddo lagasoo shaqeynayay," ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca kale odayaal kasoo jeeda degmada Towfiiq oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in la joojiyo colaada la iskuguna yimaado gogol nabadeed oodib u heshiisiin ah.

Colaada ka taagan bariga gobolka Mudug oo u dhexeysa labo beelood oo halkaas wada dega, ayaa soo bilaabatay sanadkii 2001, illaa iyo haddana laguma guulaysan in loo helo.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/9/2019 12:35 PM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Dallada ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee Puntland, ayaa Baaq nabadeed ka soo saartay dagaalada ka socda Af-barwaaqo iyo degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.

12/9/2019 10:55 AM EST
Isniin, December 09, 2019 (HOL )– Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa walaac ka muujiyey xaaladda xuquuqal insaan ee Somaliland, waxaanay warbixin ka diyaariyey mudooyinkan u dambeeyey xadhiga lagula kacay wariyeyaal iyo dad rayigooda soo bandhigay.

12/9/2019 9:49 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Kulan u dhexeeya midawga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo looga hadlay ajandayaal muhiim ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

12/9/2019 9:05 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay daadad socday muddo todobaad ah ay gaartay 36 qof ayna kumanaan qof oo kale ku xanniban yihiin ka dib roobab xooggan oo ku dhuftay gobollada ku yaalla dhanka bari ee dalkaasi.

12/9/2019 9:02 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha Nairobi ayaa maxkamadda hortagay maanta isaga oo diiday inuu qirto ilaa 30 eedo dambiyeed ay ku jirto inuu qaatay lacago laaluush.

12/9/2019 8:55 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Xuska maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka Itoobiya ayaa maanta oo Isniin ah si wayn loogu xusay magaalada Addis Ababa.

12/9/2019 5:03 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Dowladda federalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaal haatan ka socda deegaano kuyaala bariga gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dagalaamayaan labo beelood oo muddo colaadi dhextaalay.

12/9/2019 4:29 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kullan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada, Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee dalka Turkiga, Zehra Zumrut Selcuk.

12/9/2019 3:13 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa Maanta ka furmay shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkan looga hadlayo dagaalanka Musuq maasuqa.

12/9/2019 1:39 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si cad u sheegay in uu ka Towbad keenay Alle -na Caf ka weydiisanayo qaladkii ku jiray khudbadii uu ka jeediyay dalka Jarmalka oo ay siweyn u naqdiyeen inta badan Culimada Soomaaliyeed.

12/9/2019 1:24 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay Labo kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar xalay kooxo hubeysan ku qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland oo marayay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

12/9/2019 1:11 AM EST
Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya deegaannadii dhawaanta lagu dagaalamay ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in mar kale uu dib u qarxay dagaalka labo maleeshiyo beelleed oo maalmihii ugu danbeeyayba colaadoodu taagneyd.