4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay dalka Qatar

 

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa maanta ka furmay shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkan looga hadlayo dagaalanka Musuq Maasuqa.

Shirka waxaa isla shir-guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa  (GOPAC).

Soomaaliya waxaa Shirkan uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi  Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Shirka oo socon doonno maalmaha 9 iyo 10 Diseembar 2019 ayaa sidoo  kale la filayaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu la kulmo madaxda kale ee  ka qeyb-galeysa shirkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]