4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Dagaal beelleed dib uga qarxay mar kale gobolka Mudug

 

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya deegaannadii dhawaanta lagu dagaalamay ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in  mar kale uu dib u qarxay dagaalka labo maleeshiyo beelleed oo maalmihii ugu danbeeyayba colaadoodu taagneyd.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay Dagaalladu ka socdaan ayaa warbaahinta u sheegay in ay jirto cabsi ay ka qabaan in dagaalka uu ku fido deegaanno hor leh oo markii hore aysan gaarsiisneyn.

Deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq ayaa Labadii maalmood ee la soo  dhaafay ka jiray xiisad, kaddib markii maleeshiyo beeleed ku dagaalameen  todobaadkii hore, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 10 ruux.

Malmihii ugu daneeyay waxaa jiray Baaqyo  dhinacyo kala duwan ay u jeedinayaan beelaha dagaalamaya, waxaana baaqii  ugu dambeeyay soo saartay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku  amartay ciidamada Isku dhafka Gobolka Mudug in ay ku baxaan deegaanka ay  dirirtu ka socoto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]