4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Xarumihii canshuuraha ee degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan oo 30 sanno kadib dib loo howlgaliyay


Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u howlgalisay burburkii dowladdii dhexe kaddib xarumahii canshuuraha degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir oo dib loo dhisay.

Xarumahaan oo dhawaan si casri ah loo dhisay oo laguu tallagalay hawlaha canshuuraha aruurinta ayaa waxaa si ramsi ah xarigga uga jaray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadal ka jeediyay munaasabadda xariga loooga jaray Seddaxdaan xarumood ayaa sheegay in ay maanta sharaf u tahay in uu xarigga ka jaro xafiisyada canshuuraha degmooyinka Gobolka Banaadir ee Hawl wadaag, Hodan iyo Wadajir.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ilaa 5 xarumood oo canshuur ah lagu dhisayo wajiga kowaad kuwaas oo qaarkood maanta la furay halka kuwa kalana dhismahooda uu gabo-gabo yahay.  “ Maanta labo xarumood ayaan xariga ka jarnay. Shantaan xarumood waxaa wehliya machad loogu tala galay in lagu barto canshuuraha, maamul wanaaga iyo maamulka Maaliyadeed oo aan isna dhawaan xariga ka jari doono”. Ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagaha lagu dhisay xarumaha maanta xariga laga jaray iyo kuwa dhismuhu ku socdo uu bixiyay Bangiga Horumarinta Afrika (Africa Development Bank), sidoo kalana Wasiirku waxa uu xusay in Bangigu balan qaaday in ay kuwa kalena lacagtooda keeni doonaan si ay dowladda uga caawiyaan dhismahooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo isna muunasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in maanta xarigga laga jaro xarumihii canshuuraha ee degmooyinka Gobolka Banaadir burburkii kaddib.

“ Dhab ahaan kaabayaashii dowladda oo dib u soo noolaanaaya waxa ay natusinaysaa soo noolaasho buuxda oo xaga dowladnimada ah. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda si gaar ah ayaan uga mahadcelinayaa dadadaalka iyo dardarta ay wadaan oo ay dib ugu soo noolaynayaan kaalinta uga aadan qaranimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.
 
Dhaqaalaha ku baxay dib u dhiska Xurumahan  oo gaaraya ilaa 7 xarumood oo loogu talagalay casnhuuraha ayaa waxaa bixiyey Bangiga Hormarinta Afrika (Africa Development Bank) oo Dowaladda Soomaaliya ka cawinaya sidii loo xoojin lahaa, ilaha dhaqaalaha dalka iyo aqoonta howlwadeenada ka shaqeeya.

Ugu danbeyn Wasiirka maaliyaddu waxa uu xusay in xariga ka jari doonaa haddii xaruntii turuba-taariyada ( hoggaanka illaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha) oo iyaduna ku burburtay  qaraxyo dhowrjeer ka ag ka dhacay.
 
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]