4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Kulankii Golaha Shacabka oo furmay iyo Wasiirradda Amniga, Duulista Hawadda iyo Taliyaha Booliiska oo hortagay

 

Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ka furmay Kulankii caadiga ee Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ay hortageen Wasiirradda Amniga, Duulista Hawadda iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

Kulanka oo uu shir guddoominayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Muudeey ayeey xildhibaannadu su'aalo ku weydiinayaan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Duulista Hawadda Maxamed Salaad Oomaar iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaba in Wasiirradda lagala xisaabtamo arrimaha Amaaniga iyo waliba xiyaaradii madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]