4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Baarlamaanka Puntland oo sharciyeeyay baaritaanada DNA ee dambiyada lagu baaro

Axad,December, 08, 2019 (HOL)-Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah goordhaweyd ku ansixiyey Hindise xeereedka Hay'adda Forensic Science-ka Puntland.

Hindse Xeereedka Hay'adda Forensic Science ayaa dhigaya in iyadoo adeegsanaysa Cilmiga Sayniska baadho kiisaska Hiddaha sida DNA-ga iyo waxyaabaha lagu ogaan karo baadhitaanno loo adeegsaday Seyniska.

33 mudane ayaa oggolaatay ansixinta xeerkan oo ka kooban 36 qodob, halka 3 mudane ay ka aamuseen, cid diidayna ma aysan jirin.

Hay'adda Forensic Science, ayaa sanadkaan ku guulaysatay inay hesho dambiilayaashii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa'isha Ilyaas, iyadoo adeegsanaysay baaritaanada dheecaanada DNA.

Forensic Science waxay sidoo kale haatan gacanta ku haysaa baaritaanka eedeesanayaal loo haysto kufsi iyo dil ka dhacay Garowe, dhawaan ayaa la filayaa inay soo bandhigto natiijada baaritaanka.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]