4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Guddiga amniga gobolka Bari oo ka digay in magaalada Bosaso ay go'doon gasho

Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Guddiga amniga gobolka Bari ayaa sheegay in magaalada Bosaso ay qarka u saaran tahay in gasho xaalad go'doon ah, kadib khasaarihii ka dhashay Roobabkii 24saac ee lasoo dhaafay ku da'ayay gobolka Bari.

Guddigu waxay sheegeen inay go'i rabto wadada isku xirta Bosaso iyo gobolada kale ee Puntland, iyagoo tilmaamay inaysan jiridoonin meel kale oo magaalada lagasoo galo haddii wadadaas ay xiranto.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu wargaliyay gaadiidka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo galaya in aysan habeen safri karin illaa laga ogaanayo qatarta inta ay le'eg tahay.

Waxay guddigu sheegeen inay dhowr buundo ku dhow yihiin inay go'aan, kadib markii laamiga ay kusoo rogmadeen daad xoogan oo ka dhashay Roobabkii dabeylaha watay ee Puntland ku dhuftay.

Puntland oo horey ugu furnayd xaalada gobolka Gardafuu oo waddooyinkii go'een ayaa hadana wajahaysa dhibaato kale oo ka dhalatay Roobabkii da'ay, iyadoo weli saadaasha hawada sheegayso in illaa todobaadkaan roobabku sii socondoonaan.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]