4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Somaliland oo hubka culus iyo kuwa fudud u adeegsatay Ayax ku habsaday gobolka Sool
 

Axad, December 08,  2019 (HOL )–Maamulka Somailand ayaa bilaabay nidaam cusub oo lagu kala dagaalamayo Ayax raxan raxan u socda oo ku habsaday dhul beereed baaxad weyn oo kuyaala gobolka Sool.

Nidaamkaan cusub ayaa wuxuu yahay, iyada oo loo adeegsanayo hubka darandooriga u dhaca iyo rasaasta fudud, si loogu kala eryo Eyaxa oo dhibaato ba'an ku haya dadka beeralayda ah.

Muuqaallo warbaahinta lasoo galiyay ayaa la arkayay, ciidamada oo rasaasta hawada u ganaya, taasoo muhiimada laga leeyahay ay tahay in lagu kala ceyriyo Cayayaankaan oo la aaminsan yahay in saacaddo kooban gudaheed uu waxyeelo xoogan ku geysan karo.

Howlgalka lagu dagaalamayo Ayaxa ayaa waxaa fulinaya ciidamo katirsan Somaliland, kuwaas oo sidoo kale adeegsanayay dhawaqa hoonka gaadiidka dagaalka, si ay u kiciyaan Ayaxa.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa musiibo qaran ku tilmaamay dhibaatada Ayaxa, iyagoo sheegay in tilaabadaan kaliya aan wax looga qaadi karin, loona baahan yahay in awood dheeraad ah la helo.

Cayayaanka Ayaxa oo waayahaan dambe ku meeraysanayay qeybo katirsan gobolada dhexe Soomaaliya, ayaa maamihii ugu dambeeyay lagu arkayay gobolka Sool.

Horey wuxuu cagta usoo mariyay qeybo katirsan dalka Ethiopia, waxaana la sheegay inuu markiisii hore ka yimid dalka Yemen.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]