4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Baaq Nabaddeed oo laga soo saaray dagaalka gobolka Mudug

 

Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka,Odayaal, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaad ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo kamid ah xildhibaannada  Golaha Shacabka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin colaada ka soo  cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in dagaal khasaaro mooyaane uusan wax faa’iido ah soo kordhineyn.

Maleeshiyaadka dagaalka uu ku dhexmaray Bariga Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay in ay colaada joojiyaan, islamarkaana wax walba wada-hadal ay ku dhameeyaan,isaga oo sheegay inay kaalintooda ka qaadan doonaan.

Inkastoo xilligan uusan wax dagaal ah ka jirin deegaankii lagu  dagaalamay ee Ina-Diideey duleedka degmada Afbarwaaqo ayaa hadana dadka  deegaanka ay baqdin muujinayaan maadaama ay weli ishor-fadhiyaan  maleeshiyaadkii dagaalamay,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday 17  ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]