4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Hargeysa: Qoys ka kooban afar qof oo guri ku dumay

 

Axad, December 08,  2019 (HOL )– Qoys afar qof ka kooban ayaa geeriyooday ka dib markii gurigoodii ku dumay xaafada Birjeex ee magaaladda Hargeysa.

Afartan qof ayaa ka kooban aabo iyo hooyo iyo labadoodii caruura, waxaana gurigii ku dumay ka soo faqay ciidanka dabdamiska ah oo hawlgalkan qayb weyn ka qaatay.

Maydka afartan qof ayaa la geeyey cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.