4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Askar Booliis ah oo lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Bas ku sii jeeday magaalada Mandera

 

Axad,December, 08, 2019 (HOL) Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay tirada rasmiga ah ee lagu dilay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Bas ku sii jeeda magaalada Mandera ee gobolka Waooyi Bari Kenya.

Xafiiska Madaxweynaha Kenya ayaa xaqiijiyay in saraakiil boolis ah oo gaaraya 8 askari ay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay weerarkaasi oo guud ahaan gaarayay 11 qof.

War ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegtay mas'uuliyada weerarkaa, iyaga oo sheegay in ay dileen in ka badan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan Laamaha sirdoonka Kenya iyo shaqaale Dowladdeed.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ay ku dhowdahay xadka Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo ay Al-Shabaab inta badan weeraro ka gaysato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]