4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Wasiirrada Amniga iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya oo maanta hortagaya Golaha Shacabka

 

Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in maanta oo Axad fadhiggoodii caadiga ahaa su'aalo ku weydiiyaan Wasiirradda Amniga iyo Duuulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya oo looga yeeray in ay hor yimaadaan golaha.

Labada Wasiir ayaa lagu wadaa in xildhibaannada Baarlamaanka su'aalo ku weydiiyaan xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xayiraadii Madaxweynayaashii hore Soomaaliya iyo Qoddobo la xiriira Amaanka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxaa uu sheegay in si deg deg ah looga dalbanayo in Axadda maanta ay Golaha hor yimaadaan labada wasiir,isla markaana xildhibaannada dhankooda laga doonayo inay la xisaabtamaan wasiirada.

Lama oga in kulanka maanta loo ogolaan doono in ay ka qeybgalaan Warbaahinta madaxa-banaan iyo in kale madaama la ogaa in horay sidan oo kale kulamo su'aalo lagu weydiin lahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda uu ka dhashay buuq la xiriira qeyb-galka warbaahinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]