3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Fatahaad laga cabsi qabo mar kale in ay ku dhufato magaalada Beledweyne

 

Axad, December, 08, 2019 (HOL)- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay u muuqdeen dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne kuwo ka soo kabanaya Fatahaaddii dhawaan ku dhufatay  ayaa haddana dhinaca kale waxaa mar kale jirta cabsi laga qabo Fatahaad hor leh oo uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Qoysas dhawaan uun soo guryo noqday ayaa hadda bilaabay mar kale in ay uga barakacaan xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle oo wax ka yar 1 mitir u jira heerka cabirka guud  Fatahaadda.

Sidoo kale qeybo ka mid ah gobolka waxaa mar kale dib uga curtay Roobab Lixaad leh oo Dabley wata iyadoo xiligan Roobab xoog leh laga soo sheegayo degmooyinka Buula-burte iyo Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan deegaannada Mustaxiil Qalaafe iyo Buur -Ukur oo ka wada tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xiriiro kala duwan lala sameeyay ayaa sheegaya in ay jiraan biyo xoog leh oo waddo Wabiga taasoo sare u sii qaadeysa baqadinta ay ka qabaan bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne qabaan Fatahaaddo hore leh oo ku dhufta.

Isbadalka cilimada guud ahaan Bariga Africa oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa u muuqda mid saameyn xoog leh ku yeelaneysa dadka ku dhaqan deegaannada ay Wabiyadu maraan oo u nugul mar walba dadaadka ka soo rogmaday oo sababa khasaare dhimasho iyo bur bur hantiyeed intaba. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 













Click here
12/8/2019 3:55 PM EST
Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u howlgalisay burburkii dowladdii dhexe kaddib xarumahii canshuuraha degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir oo dib loo dhisay.

12/8/2019 2:43 PM EST
Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Bas ay leedahay Shirkadda Falcon couch oo ku socday magaalada Godey ayaa maanta shil ku galay meel aan sidaa uga fogayn magaalada Jigjiga.

12/8/2019 5:51 AM EST
Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ka furmay Kulankii caadiga ee Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ay hortageen Wasiirradda Amniga, Duulista Hawadda iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

12/8/2019 5:51 AM EST
Axad,December, 08, 2019 (HOL)-Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah goordhaweyd ku ansixiyey Hindise xeereedka Hay'adda Forensic Science-ka Puntland.

12/8/2019 4:38 AM EST
Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Guddiga amniga gobolka Bari ayaa sheegay in magaalada Bosaso ay qarka u saaran tahay in gasho xaalad go'doon ah, kadib khasaarihii ka dhashay Roobabkii 24saac ee lasoo dhaafay ku da'ayay gobolka Bari.

12/8/2019 3:45 AM EST
Axad, December 08, 2019 (HOL )–Maamulka Somailand ayaa bilaabay nidaam cusub oo lagu kala dagaalamayo Ayax raxan raxan u socda oo ku habsaday dhul beereed baaxad weyn oo kuyaala gobolka Sool.

12/8/2019 3:31 AM EST
Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka,Odayaal, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaad ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

12/8/2019 3:24 AM EST
Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

12/8/2019 2:55 AM EST
Axad, December 08, 2019 (HOL)–Qoys afar qof ka kooban ayaa geeriyooday ka dib markii gurigoodii ku dumay xaafada Birjeex ee magaaladda Hargeysa.

12/8/2019 12:57 AM EST
Axad,December, 08, 2019 (HOL) Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay tirada rasmiga ah ee lagu dilay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Bas ku sii jeeda magaalada Mandera ee gobolka Waooyi Bari Kenya.

12/8/2019 12:38 AM EST
Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in maanta oo Axad fadhiggoodii caadiga ahaa su'aalo ku weydiiyaan Wasiirradda Amniga iyo Duuulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya oo looga yeeray in ay hor yimaadaan Golaha.