Labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta la filayo in ay si wadajir ah u ansixiyaan miisaaniyadda 2020ka
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)-Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa inay wadajir u ansixiyaan Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.
Ansixinta miisaaniyaddaan ayaa ku soo beegmaysa maanta oo ah
maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka
bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.
Xildhibaannada labada ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aalo ka
weydiinayay miisaaniyadda Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha ay u
badnaayeen sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay
hay’adaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka ciidamada
la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.
Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay
wadajir u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo
horay ay Miisaaniyadda u ansixin jireen Golaha Shacabka oo kaliya
Miisaaniyadda sanakda 2020 ayaa gaaraysa $459.5 Milyan,waxayna ka
kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha dibadda ka imaanaya ee lagu
kabayo Miisaaniyadda dowladda Federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]