
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo hal qof ayaa ku dhintay labo ruux kalana waxaa ay ku dhaawacmeen rasaas ciidamada AMISOM ay ku fureen dad dibadbaxayaal ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
newsinsideCiidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad dibaxayaal oo siweyn ugu soo dhawaaday saldhiga ay ka degan yihiin degmada kuwaa oo dhagaxaan iyo walxo kale ku tuurayay xeryaha ciidamada ay degan yihiin sida uu Hiiraan Online u sheegay qof ku sugan degmada.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada,waxaana banaanbaxayaasha ay xireen wadooyinka waaweyn ee degmada,iyada oo dhamaanba ay xiran yihiin goobihii ganacsiga,
Maamulka Hirshabeelle wali kama uusan hadlin xaalada degmada iyo dibadbaxan khasaaraha sababay iyo eedeymaha loo soo jeedinayo intaba.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]