Madaxweyne Biixi oo xadhiga ka jaray Carwo lagu soo bandhigayey wax soo saarka warshadaha wadaniga ah
Arbaco, December 25, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa
maanta xadhigga ka jaray carwo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada
waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax
soo saarka wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ay
hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee
dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah
wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada
Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha
ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf
kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka
qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo
saar oo dalka laga hirgeliyo si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo
abuurka.
guddoomiyaha ururka wershedleyda
Somaliland, Mudane Maxamed Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban u
sharraxay ujeeddada carwadan loo qabtay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay
wershedley ahaan uga gol leeyihiin in bulshada lagu baraarujiyo isticmaalka wax
soo saarka dalka, laguna soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saaraan
wershedaha dalka ka jiraa.
Xoghayaha Rugta ganacsiga iyo
wershedlayda Somaliland, Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa
tilmaamay in bulshada looga baahan yahay isticmaalka wax soo saarka wershadaha
dalka, taasina fure u tahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan inay hantidooda
dalka gudihiisa ku maalgeliyaan.
Wasiirrada wasaaradaha
horumarinta maaliyadda iyo Ganacsiga iyo wershedaha, Dr. Sacad Cali Shire iyo
Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo madasha ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday
inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen taageerada iyo garabsiinta wershedaha
dalka gudihiisa ka jira, islamarkaana ay u sameeyeen cashuur-dhaaf aad u badan,
taasina ay marag ka tahay sida ay xukuumadda uga go’an tahay inay dhiirrigeliso
wax soo saarka dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka
Oromada Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim iyo wasiirka Ganacsiga iyo
wershedaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Bashiir Saafi, ayaa
Somaliland ku ammaanay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka tisqaaday, waxana
ay wershedleyda kula dardaarmeen inay wada-shaqayn dhaw la yeeshaan xukuumadda
si hore ugu sii mariyaan wax soo saarkooda.
Madaxweyne Biixi ayaa u
bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku ku tallaabsadeen,
islamarkaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan tahay
ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa.
Madaxweynuhu waxa uu daaha ka
fayday taageerada laxaadka leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay
dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo wershedaha dalka gudihiisa ka jira,
isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu
samaysay wershedlayda dalka, “Dawladdu iyada oo aan dhaqaale badan haysanin,
haddana sannadkan $14.2 milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu wershedaha
siinnay, waxana aannu sugaynaa oo ku rejo weynahay inaanu wixii kale ee aanu
kari karno ugu darno, annaga oo rejaynaynaa inay noqdaan kuwa kora oo dalka
dhaqaalihiisa iyo shaqaalihiisu ku xidhnaan doono,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii waxa uu
madaxweynuhu xadhigga ka jaray carwada wershadaha, waxana uu mid mid u galay
wax soo saar kala duwan oo ay carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka
dhisani.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.