Sabti, December 21, 2019 (HOL )– Ciyaartooy ka socda dalka Kenya ayaa maanta la ciyaari doonta xulka gobolka Maroodi jeex, halka maalinta Barina la ciyaari doonaan gobolka Awdal.
Ciyaartoygan waxa casuumay wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, waxaana loo xulay inay la ciyaaraan laba gobol oo kala ah Hargeysa iyo Boorama.
Wasaaradaha arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegta inay tahay qayb ka mid ah dublamaasiyadda ay doonayaan inay caalamka la sameeyaan, taas oo is dhex-galka dalalka ka mid ah.
Ciyaartan ayaa noqon doonta mid saaxiibtinimo oo ciyaartoy Kenya ka socda la ciyaari doonaan ciyaartoy Somaliland ka socda.
Maanta galinka dambe ayey ciyaarta kowaad ka dhici doonta garoonka weyn ee kubadda cagta ee magaaladda Hargeysa
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]