10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 19, 2019
Wefti ka socda beesha caalamka oo taageeray go’aankii ay soo saareen ergooyinkii is xilqaamay


Khamiis, December 19,  2019  (HOL )– wefti ka socda Beesha caalamka ayaa kulamo gaargaar ah la yeelatay ergadii is xilqaantay ee khilaafka soo afjartay, xisbiyada mucaaradka ah iyo xisbiga taladda haya.

Weftigan beesha caalamka ka socda oo ka kooban midowga Yurub iyo IGAD ayaa soo dhoweeyey go’aankii ay guddida dhexdhexaadintu soo jeediyeen ee lagu soo afjaray khilaafkii doorashooyinka, waxaanay xuseen inay tusaale fiican u noqdeen caalamka qaabkay shaqadaasi adag u galeen iyo sida xisbiyadii u qaateen go’aanka odayaashaasi.

Sidoo kale, Gudida ergadda khilaafkii doorashooyinka soo afjaray ayaa sheegay inay beesha caalamka uga warameen go’aankay ka gaadheen khilaafka doorashooyinka, isla markaana weftigaasi ku bogaadiyeen shaqada qaranka u qabteen.

Guddida is xilqaantay ayaa u mahad celisay saddexda xisbi iyo xukuumada aqballay go;aankoodii, kuwaas oo ku bogaaday siday u ixtiraameen.

Sidoo kale, xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga taladda haya ayaa labadooduba sheegay inay isku afgarteen ujeedadii weftiga iyo sidii go’aankaasi ergooyinku soo jeediyeen loo dhamaystiri lahaa.

“Weftigu waxay ka koobnaayeen safiiro badan oo dalalka Yurub ka socda, ururka midowga yurub iyo ururka IGAD iyo qaramadda midoobay, waxaanay u socdeen khilaafka doorashooyinka, waxaanay labadda xisbi mucaarad u sheegeen inay aqballeen go’aankii ergooyinku soo saareen”ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan xisbiga WADDANI.

Sidoo kale, xisbiga kulmiye ayaa isna sheegay inay u sheegeen inay aqballeen go’aankii ergooyinku soo jeediyeen,isla markaana ay diyaar u yihiin inay doorasho dalka ka qabsoonto.

Ergadii ganacastada iyo culimada u badnayd ee khilaafki doorashooyinka go’aanka ka soo saaray ayaaa ku taliyey in komishanka cusub la kala diro, halka komishankii hore dib loo soo celiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.