Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka
Sabti, December, 14, 2019 (HOL)- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo
maanta yeelanaya mid ka mid ah
kulamadoodii caadiga ahaa ayaa la filayaa in ay su’aalo weydiiyaan guddiga
madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Maalmihii ugu danbeeyayba
xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeelanayay warbixin guddiga
Doorashooyinka ay u gudbiyeen Golaha, waxaana dooddaasi ay dhalisay in xildhibaannada
qaar dhaliil xoog leh u jeediyaan guddiga soo diyaariyay warbixinta.
Xildhibaannad Khadiijo Maxamed
Diiriye oo dhinaca kale ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay
in dalkan marnaba aysan ka dhici karin doorasho Qof Cod ah iyadoo la eegayo
daruufaha ku harreereysay qabsoomada doorasho noocaa oo kale ah.
Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu
wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay
soo xaadiraan .
Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis uga
imanaya beesha caalamka oo ku wargaliyay in looga fadhiyo diyaarinta sharciga
Doorashooyinka Qaranka ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka xukuumadda
hadda jirta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]