4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2019
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo booqanaya deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Mudug

 

Sabti, December, 14, 2019 (HOL)- Waxaa soconaya dadaallo lagu joojinayo colaada Labo beellood oo wada degga deeganno hoostaga gobolka Mudug oo maalmihii ugu danbeeyay dagaallo culus oo dhaxmaray ay ku dhinteen ku dhawaad 50 ruux Ruux.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha qeybta 21 aad gobollada dhexe    lagu wadaa in ay tagaan deegaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ah halka ay ka dhaceen dagaalladii ugu cuslaa ee labada beellood dhaxmaray, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulsahda ayaa horay u soo jeediyay baaqyo nabaddeed oo loo diray dhinacyada dirirtu u dhaxeyso, laakiin waxaa muuqatay in dagaalladu halkoodii ka soo socdeen taasoo keentay markii danbe in ay fara-galiyaan ciidamada xoogga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]