4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2019
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 ku garaacay dhiggooda Burundi

 

Jimco,December, 13, 2019 (HOL)-Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa 1-0 ah ku garaacay dhiggooda dalka Burundi, kaddib markii ay maanta oo Jimco ah isku arkeen ciyaar qeyb ka ahayd tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Labada Kooxeed ee Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku wada jira (Group A) waxaana ay galabta yeesheen is aragoodii ugu horreeyay, waxaana Goolka Guusha u dhaliyay xulka Soomaaliya cayaaryahanka lagu magacaabo Cumar Maxamed oo daqiiqadii 40aad shabaqa ku hubsaday Goolka Taariikhiga ah.

Labada cayaartooy ee Labada Kooxood ayaa soo bandhigay cayaar xiiso leh oo ay siweyn u jecleysteen daawadayaashii ku sugnaa gudaha Garoonka.

Group A, waxaa ku jira Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo  Burundi. Soomaaliya ayaa saddexdii kulan ee hore labo ka mid ah laga  badiyay, markii ay ka hor tagtay Uganda iyo Eritrea, halka midna ay  barbarro la gashay xulka waddanka Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]