4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Madasha wadatashiga oo maxkamadda sare dacwadoodii ku burisay magacoodda oo aan diiwaangashanayn

 

Khamiis, December 12, 2019 (HOL )– Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa dacwadii Madasha wadatashiga usoo gudbiyeen ku buriyey magaca ay sitaan in aanu sharci ku fadhiyin,isla markaana aanu diiwaangashanayn.

Odayaasah madasha wadatashiga ayaa sheegay in magacii iska dhigeen oo muwaadiniin ahaan dacwada u gudbinayaan maalinta Sabtida ah maadaama oo dastuurku xaq u siiyey in muwaadinku dacwad u gudbin karo maxkamadda

“Waxaanu maxkamadda sare u gudbinay dacwad ka dhan ah sharciyada golaha Guurtidad oo muddo 21 sanno ah fadhiyeysa kuraasta iyo muddo kordhinta ay sameeyeen, taas oo sharci daro ah, xeer kasta oo la sameeyo waxa asal ah dastuurka, maxkamadii waxay ku burisay magaca madasha la yidhaahdo, hadii xaqii aanu dastuurka ugu lahayn magaca madasha naga qaaday waanu iska daynay waxaana dacwada labaad ku qoronay anagoo muwaadiniin reer Somaliland ah oo xaq u leh in wixii ay garan waayaan maxkamada dastooriga geeyaan, looyarkayagi baanu kala tashanay waana u dhiibaynaa.”ayuu yidhi gudomiyaha madasha Xasan Guure.

Sidoo kale, looyark odayaasha madasha Guuleed Dafac oo qaabka dacwada u gudbinayaan ka hadlaya waxa uu yidhi “ dacwadii madashu gudbisay ee golaha Guurtidda ka gudbisay lama diidin ee waxa kaliya ee la diiday waa magaca madasha oo ay yidhaahdeen magacaasi urur uma aqoonsanin oo ma diiwaangashana, taas macnaheedu waxay tahay dacwadii isma taagayso ee iyagoo muwaadiniin ah ayey gudbinayaan dacwadii.”

Sidoo kale, waxa uu xusay in muwaadin walba ku soo biiri karo dacwada maadaama oo dastuurku u fasaxaya inay waxay qoonsadaanba dacwad ka gudbin karaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.