4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Taliyaha ciiddanka lugta Soomaaliya oo kulamo la qaadanaya waxgaradka beelihii ku dagaalamay Towfiiq


Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidanka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiil kale oo katirsan ciiddanka xoogga, ayaa kulamo la qaatay waxgaradka Galmudug.

Kulamadaan ayaa looga hadlayay sidii dhameeyn lahaa colaada ka aloolsan degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo ay ku dagalaameen beelo walaalo ah.

Saraakiisha ayaa kala hadlay waxgaradka Galmudug in ay kaalin xoog leh ka qaataan sidii labada beelood ee colaada dhextaalo dib u heshisiiin loogu sameyn lahaa, tilaabada ugu horeysana ay tahay in wacyi galin laga dhex sameeyo degaanada lagu dagaalamay.

Taliyaha iyo ciidamadiisa waxay ku guulaysteen inay joojiyeen dagaalkii socday, waxayna maanta ku wajahan yihiin degmada Towfiiq, oo ay ku sugan yihiin odayaasha Puntland, waxayna la qaadandoonaan kulan lamid ah kii ay la qaateen waxgaradka Galmudug.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]