4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray dhismaha Dowlad gobolleedka Galmudug

 

Khamiis,December, 12, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda  Fedaraalka iyo ASWJ oo ay Gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan  ee bulshada ayaa waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada  dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar  ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa  maamul u adeega shacabka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhammaan bulshada  Galmudug in ay  muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul Gacannna ka gaystaan hirgelinta  heshiiskan.

Kheyre  ayaa  uga mahad celiyay ASWJ dedaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

Ugu dambayntii waxaa uu u mahad celiyay cid walba oo Soomaaliyeed oo Gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha Beesha Caalamka oo mar walba Garab taagan Shacabka Soomaaliyeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]