4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Heshiis laga gaaray khilaafkii dhismaha Galmudug

 

Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxda xukuumadda Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa lagu soo dhaweeyay heshiis Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ahlu Sunna ka gaareen khilaafkii ka taagnaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay u danaashay shacabka dhaqan, sidaa daraadeed aqbaleen qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta oo u ogolaanaya Ahlu Sunna in ay soo xulaan 20 Xildhibaan oo ka mid noqonaya 89 ka Xildhibaan oo uu ka koobnaan doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Hoos ka Akhrriso Qoraalka ka soo baxay madaxa Xukuumaadda Galmudug :-

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]