3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Shan Qof oo ku dhimatay shil Baabuur oo ka dhacay Kenya

 

Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Ugu yaraan Shan Qof ayaa ku geeriyootay, 62 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray markii ay isku dhaceen labo  Bas inta u dhexeysa magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.

Taliye, Joseph ole Napeiyan, oo ka mid ah saraakiisha Boliiska ee  gobolka xeebta ayaa sheegay in uu dhacay 2:40 Am, iyadoo dadkii ku  dhaawacmayna loo qaaday goobaha caafimaadka.

Saraakiisha ciidamada waddooyinka ee dalka Kenya ayaa sheegay in  saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay ay Toban shil ka dhaceen dhabbaha  isku xira Nairobi iyo Mombasa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 













Click here
12/12/2019 11:10 AM EST
Khamiis, December 12, 2019 (HOL )– Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa dacwadii Madasha wadatashiga usoo gudbiyeen ku buriyey magaca ay sitaan in aanu sharci ku fadhiyin,isla markaana aanu diiwaangashanayn.

12/12/2019 11:07 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhamaaday kulan u dhexeeyay agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

12/12/2019 9:56 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidanka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiil kale oo katirsan ciiddanka xoogga, ayaa kulamo la qaatay waxgaradka Galmudug.

12/12/2019 7:39 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khamiista maanta ansixiyay siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

12/12/2019 7:34 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

12/12/2019 6:54 AM EST
Khamiis,December, 12, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

12/12/2019 6:27 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa ka fiirsanaya inuu is casilo haddii uu ku guul daraysto qorshaha Maraykanka ee deyn cafinta Soomaaliya.

12/12/2019 3:57 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca.

12/12/2019 3:33 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxda xukuumadda Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa lagu soo dhaweeyay heshiis Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ahlu Sunna ka gaareen khilaafkii ka taagnaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

12/12/2019 12:05 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)- Shacabka dalka Ingiriiska ayaa saaka oo khamiis ah u dareeraya doorashada guud ee saddexaad ee muddo shan sano gudahood ka dhacda dalkaas.

12/12/2019 12:02 AM EST
Khamiis, December, 12 , 2019 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ku qaadeen xerada Hiilweyne ee degmada Balcad gobolka Shabeellaha Dhexe.