3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Shacabka dalka Britain oo saakay u dareeraya doorasho xasaasi ah

 

Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)- Shacabka dalka Ingiriiska ayaa saaka oo khamiis ah u dareeraya doorashada guud ee saddexaad ee muddo shan sano gudahood ka dhacda dalkaas.

Doorashadan oo markii ugu horeysay muddo boqol sano ah la qabanayo bisha Disemabar ayaa waxaa ay daba joogtaa doorashooyinkii horay uga dhacay dalka Britain sanadihii 2015 iyo 2017.

Goobaha codbixinta oo gaaraya 650 xarumood oo ku kala yaala guud ahaan England, Wales, Scotland iyo waqooyiga Ireland ayaa lagu wada in saaka afarta barqanimo ay furmaan.

Marka ay dhamaato codbixinta afarta saac ee habeenimo, waxaa bilaaban doonaa tirinta codadka, inta bandanna natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha hore ee maalinta jimcaha.

Doorashadan ayaa lagu doorran doonaa xildhibaano gaaraya 650, waxaana xisbiga helaa kuraasta ugu badan ee barlamaanka uu noqonayaa ra'iisul wasaaraha dalkaas.

Sanadkii 2017-da, deegaan barlamaaneedka bartamaha Newcastle ayaa ahayd halkii ugu horeysay ee natiijadeeda lagu dhawaaqo saacado uun kaddib markii ay goobaha codbixinta xirmeen.

Doorashada dalka Ingiriiska ayaa inta badan qabsoonta afar ama shan sano kadib, hasayeeshee xildhibanaada dalkaas ayaa bishii Oktoobar ee sanadkan u codeeyay in la qabto doorasho wakhtigeeda laga soo horumariyay, waana markii ugu horeysay oo doorasho la qabto xilliga xagaaga yan iyo sanadkii 1974.

Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb qaadan kara dadka ay da'dooda ka weyn tahay 18 sano ee u dhashay dalkaas, heystana kaarka codbixinta.

Shacabka ayay guddiga doorashada shegeen in aysan u baahneyn in ay qaataan kaararka codbixinta, balse looga baahan yahay in ay gudbiyaan magacyadooda iyo halka ay doonayaan in ay ka codeyaan. Qofwalbana waxaa uu u codeyn karaa hal musharax oo keliya.

Kooxaha la socda doorashada ayaa maalmihii lasoo dhaafay shacabka uga digayay in ay isku dul sawiraan sanduuqa codbixinta, taas oo ay shegeen in ay noqon doontaa arrin aan la oggolaan doonin oo dembi ah.

Dad badan ayaa haatan durbaba sii gudbiyay magacyada qofka ay dooranayaan. Dadka ilaa iyo haatan dalbaday in ay ku codeeyaan qaabka boostada balse aan dib usoo celinin warqaaha ayaa waxaa la sheegay in ay heystaan ilaa iyo caawa saqda dhexe xilliga geeska Afrika.

Xigasho BBC













Click here
12/12/2019 11:10 AM EST
Khamiis, December 12, 2019 (HOL )– Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa dacwadii Madasha wadatashiga usoo gudbiyeen ku buriyey magaca ay sitaan in aanu sharci ku fadhiyin,isla markaana aanu diiwaangashanayn.

12/12/2019 11:07 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhamaaday kulan u dhexeeyay agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

12/12/2019 9:56 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidanka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiil kale oo katirsan ciiddanka xoogga, ayaa kulamo la qaatay waxgaradka Galmudug.

12/12/2019 7:39 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khamiista maanta ansixiyay siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

12/12/2019 7:34 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

12/12/2019 6:54 AM EST
Khamiis,December, 12, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

12/12/2019 6:27 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa ka fiirsanaya inuu is casilo haddii uu ku guul daraysto qorshaha Maraykanka ee deyn cafinta Soomaaliya.

12/12/2019 3:57 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca.

12/12/2019 3:33 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxda xukuumadda Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa lagu soo dhaweeyay heshiis Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ahlu Sunna ka gaareen khilaafkii ka taagnaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

12/12/2019 2:02 AM EST
Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Ugu yaraan Shan Qof ayaa ku geeriyootay, 62 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray markii ay isku dhaceen Laba Bas inta u dhexeysa Magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee Dalka Kenya.

12/12/2019 12:02 AM EST
Khamiis, December, 12 , 2019 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ku qaadeen xerada Hiilweyne ee degmada Balcad gobolka Shabeellaha Dhexe.