4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Puntland oo shaacisay inay diyaar u tahay in laga wada hadlo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo haatan safar dibada ah ku maqan uu diyaar u yahay kuna howlan yahay sidii looga wada hadli lahaa danaha Soomaaliya.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan warar ku saabsan in madaxwyenaha Puntland oo hadda safar ugu maqan dalka dibadiisa uu tegidoono magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa marka uu Garowe kusoo laabto waxaa lagu wadaa inuu maalmo kadib Muqdisho u safro, isagoo  halkaasi uga qeybalidoona wada xaajood ku saabsan dhameynta khilaafka u dhexeeya DFS iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay Puntland iyo dowladda federalka inay isku hayaan arrimo dan guud ah oo ah in dowladda federalku ka shaqeynayso inay burburiso nidaamka lagu heshiiyay ee federalka.

"Madaxweynaheena Puntland wuxuu ka shaqeynayaa in dalkaan dantiisa laga wada hadlo, anagana waxaa naga go'an in aan wax kaste ku bixino in la dhameystiro hanaanka federalka," ayuu yidhi wasiir Dhabancad.

Beesha caalamka ayaa dhawaan ku baaqay in hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya si degdeg ah ku dhameeyaan khilaafka siyaasadeed go'aana ka gaaraan doorashada 2021.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]