4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Taliska militariga Soomaaliya iyo odayaal dhaqameed ka wadahadlay colaada gobolka Mudug

 

Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay kulan ku yeeshay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo odayaal dhaqameed ka wadahadlay colaada gobolka Mudug.

Taliyaha cidianka Lugta militariga Soomaaliya Sarreeye Guute Cabdixamiin Maxamed Dirir saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaallada ay dadka badan ku dhinteen ee Bariga gobolka Mudug ku dhaxmaray Labo maleeshiyo beelleed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha qeybta 21-aad Janeraal Cabdicasiis Cabdullaahi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad Janeraal  Mascuud Maxamed,waxaana saraakiishaan iyo ciidamo ay hoggaaminayaan u  tageen Gaalkacyo  ka qayb qaadashada joojinta colaada labada beellood.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in saaraakiishan tagaan deegaannada ay  labada Maleeshiyo beelleed ku dagaalameen si ciidamo loo kala dhexdhigo.

Dagaalkii dhawaan markale labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray duleedka degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]