Dowladda oo soo afjartay Howlgalka weerarkii lagu qaaday Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho
Arbaco, December, 11, 2019
(HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afjaray weerar culus oo
fiidnimadii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka mashquulka badan ee SYL
magaalada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay Dowladda
Soomaaliya oo lagu magacaabo Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa sheegay in
ciidamada dowladda dileen gabi ahaanba kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana
weerarkan ku dhintay 5 ruux oo Labo ka mid ah ahaayeen dad shacab ah iyo saddex
Askar oo ka mid ahaa ciidamadii howlgalka ka waday gudaha hoteelka.
Weerarkan oo dhacay 7:00 fiidnimo ee xalay ayaa waxaa mas’uuliyadiisa
sheegtay Ururka Al-shabaab, waxaana uu u muuqday mid ka duwan weerarradoodii
hore oo intooda badan ku bilaaban jiray Qarax ismiidaamin ah, balse markan
hoteelka SYL waxaa gudaha u galay dabley hubeysan oo aan adeegsan wax qarax ka
hor inta aysan rasaasta bilaabin, waxaana la sheeagay in ay ku labisnaayeen
dareyska cidiamada dowladda.
Taliska Booliiska ayaa sheegay in
laga badbaadiyay gudaha hoteelka intii uu howlgalku socday in ka badan 80 ruux
oo isugu jiray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya
in dadka xalay ku dhintay weerarka hoteelka SYL uu ka mid ahaa Garyaaq ka
tirsan maxkamada Rafaanka oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Cumar Cabdi
Waa weerarkii ugu cuslaa muddo
Shan bilood ah kaddib oo ka dhaca magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]