4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Bandhiga caalamiga ee buugaagta ayaa maanta lagu qabtay magaalada Laascaacood ee xarunta Gobolka Sool


Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Madal si qurux badan loo soo abaabulay oo ay isgu yimaadeen Culimo, aqoonyahan, siyaasiyiin, waxgarad , suugaanyahan, fanaaniin iyo marti sharaf tiro badan ayaa waxaa furitaanka kulankani ku soo dhaweeyay duqa dagmada laascaanood C/casiis xuseen wuxuuna xusay inuu si kal iyo laab ah ugu soo dhaweenayo magaalada wufuuda kal duwan ee maalmahanba ku soo qulqulaysay gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe hadal yar ku soo dhawaynayay ka soo qayb galayaasha ayaa bogaadiyay madax hay'ada maxaligaa ee SVO C/kariin Siciid Aw Cabdi oo qabnqaabiyay suurana geliya kulankan oo aan hore uga qabsoomin magaaladan, wuxuuna goobta  ka sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doono mutxaf uu gobolku yeelan doono , qorigiina qalin lagu badaly.

Garaad  Jaamac garaad Ismaaciil Ducaale oo ku hadlayay afka dhaqanka deegaanada  SSC ayaa soodhawayn kadid ku timaamaay madashan wax-qabad ku dayasho  mudan. " ishii buktaay ku bikaacso " sidaasi waxaa yidhi Garaad Jaamac garaad Ismaaciil.
 
Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo suugaan micno badan xanbaarsan ka soo jeediyay kulanka ayaa sheegay inuusan ku talgalin in ka soo qayb galo madsha oo uu ka war qabin ee uu suugaan u gaar ah soo jeedin lahaa ee lagu soo kadiyay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland  Saleebaan Yuusuf Cali ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay gadan doonaan 500 oo buug loona qaybin doono aqoonyahanka madasha isugu yimid, waxa kaloo uu tibaaxay in gobolku uu usoo jeedsaday dhinaca horumarka ishuna ay macalin tahay.

Wasiiro tiro badan oo ka socdey Somaliland iyo dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa khudbado kala duwan ka jeediyey ayaa gobolka Sool iyo Laascaanood in ay tahay meel amaan ah oo sugtay ku tubashada dhabaha horumarka.

Hay'ada maxaligaa ee SVO oo maalgalinaysay Bandhiga Caalamagaa ee buugaagta ayaa mahadnaq balaadhan ku mutaystay kulankan qabsoomidiisa oo ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca gobolka Sool.
 
Hadal haynta ugu  badan ee bulshada iyo barahooda isgaadhsiineed haysta ayaa ah amaanta  gudoomiyaha hayadda SVO Cabdikariin Siciid aw Cabdi oo ah nin dhalinyaro  ah lehna ku dhac geesinimo Mutaystana maamuus aan la qiyaasi karin.
 
Bandhigan oo socon doona sida la saadaalinayo sadex maalmood ayaa waxaa dhinac socon doona tartan ciyaareed iyo suugaaneed.
 
Madashan ayaa waxaa si aad ah u bilay oo indhaha ka qaybgalayaasha soo jiitey barbaarta farda fuulka ah ee goobtaa wacdaraha ka muujisay, hablaha hidaha iyo dhaqanku udhamaystiranyahay, aqalada labaderyaalaha goobta ka muuqdey.
 
Seynab  Cabdi Warsame, hiiraan online
Laascaanood, gobolka Sool.