3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Somaliland oo daahfurtay mashruuca lagu hirgalinayo aaga cashuuraha ka caagan ee dekada Berbera


Talaado, December 10, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland.

Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey soo dhoweynta loo muujiyey, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera.

Madaxweyne Biixi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku sameeyeen dekedda Berbera iyo sida walaaltinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay mashruuc malaayiin Doollar ku kacaya ay ku aaminaan Somaliland.

“Mashruuca Berbera Port aragtida guud ee aynnu qaran ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la wadaagno, Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa carrabka ku adkeeyey qodobadda lagama maarnaanka u ah hirgelinta himilada fog ee qaranku ka leeyahay casriyeynta dekedda weyn ee Berbera, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “si aynnu taas u hirgelinno waxa aynnu u baahannahay dhawr qodob oo ka kala ah inaynnu helno kaabayaal dhaqaale oo raandhiis leh, waddooyin, deked, isgaadhsiin, koronto ay dadka imanaya iyo ummadaha caalamiga ahi isku hallayn karaan, waxa kale oo aynnu u baahannahay inaynu helno dad aqoon u leh maamulka ganacsiga intaas le’eg ee caalamiga ah oo Somalilanders ah.”

Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo xukuumadda Somaliland u saxeexa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
12/10/2019 3:16 PM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Taliska Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray weerar fiidkii hore ee caawa koox hubeysan ay ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

12/10/2019 12:16 PM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Rag hubeysan ayaa weerarray hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

12/10/2019 10:02 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socotay Soomaalilan oo maalmahan ku sugnaa degaanka.

12/10/2019 9:09 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Madal si qurux badan loo soo abaabulay oo ay isgu yimaadeen Culimo, aqoonyahan, siyaasiyiin, waxgarad , suugaanyahan, fanaaniin iyo marti sharaf tiro badan ayaa waxaa furitaanka kulankani ku soo dhaweeyay duqa dagmada laascaanood C/casiis xuseen wuxuuna xusay inuu si kal iyo laab ah ugu soo dhaweenayo magaalada wufuuda kal duwan ee maalmahanba ku soo qulqulaysay gobolka.

12/10/2019 7:17 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka furmay kulan farsamo oo ay leeyihiin Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah federaaka

12/10/2019 7:09 AM EST
Talaado, December 10, 2019 (HOL)– Labadda Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa sheegay inay xidhiidhkii madaxweynaha la lahaayeen u jareen illaa uu soo afjaro khilaafka doorashooyinka oo uu qabto doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka.

12/10/2019 3:30 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Barlamaanka Puntland ayaa maanta xasaanadii xildhibaanimo ka qaaday guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), kadib markii lagasoo gudbiyay mooshin.

12/10/2019 3:03 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliya inay sii amba-qaadaan horumarka la gaaray ilaa iyo hadda ee lagu dhowrayo xuquuqul insaanka oo bulshadooda u ah asaas muhiim ah.

12/10/2019 1:22 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa walaac xoog leh ka muujiyay colaadda kasoo cusboonaatay aagga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.

12/10/2019 12:20 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Wararkii ugu danbeeyay ee saakay ka imanaya deegaannadii lagu dagaalamay ee Bariga gobolka Mudug gaar ahaan degmada Towfiiq oo shalay ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beelleed.

12/10/2019 12:08 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Iyadoo loo diyaar-garoobayo Doorashooyin heer Qaran a hoo dalka ka dhaca ayaa waxaa kulan looga hadlayo Amniga Doorashooyinka ku yeeshay magaalada Muqdisho Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu horkacayo Jen Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, francisco Madeira.

12/10/2019 12:05 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray Wafuud lagu wado in ay ka qeybgalaan Bandhigga Carwada Buugaagta oo maanta ka furmaya.

12/10/2019 12:02 AM EST
Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Kulan maanta oo Tallaaado ah ku yeelanayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka xaruntooda magaalada Muqdisho ayeey mar kale dood ka yeelanayaa Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan loo soo gudbiyay.