4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Agaasimayaasha Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed oo shir uga furmay Baydhabo


Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka furmay kulan farsamo oo ay leeyihiin Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Dowladaha xubnaha ka ah federaaka.

Kulanka waxaa ka Soo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer federal iyo heer Dowlad goboleed ee kala ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, agaasimayaasha guud ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir shabelle.

Kulanka ayaa u jeedadiisu tahay in la iska xog waraysto sida ugu  haboon ee la iskaga kaashan karo arrimaha farsamo ee ku aadan howlaha  dib-u-eegista dastuurka iyo doorka ay agaasimayaasha guud ka qaadan  karaan xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta wasaaradaha dastuurka heer  federal iyo heer dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka.

Kulanka oo ah mid farsamo iyo is-xogwaraysi waxa uu socon doonaa muddo saddex maalin ah iyadoo lagu lafa guri doono arrimaha farsamo iyo in lagu soo bandhigo heerka uu marayo dib-u-eegista dastuurka iyo qiimaynta horumarada laga garay iyo caqabadaha lala kulmay intii lagu guda jiray dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Dastuurka heer Federal ayaa soo  dhoweeyay kulanka waxa ayna xuseen in lagama maarmaan ay tahay in la  xoojiyo xiriirka wasaraadaha dastuurka ee heer federal iyo Heer  Dowladaha Xubnaha ka ah federaalka islamarkaana ay ballan qaadeen in ay  doorkooda ka qaadan doonaan sidii loo dhamaytiri lahaa dib-u-eegista  dastuurka. Sidoo kale waxa ay xuseen in ay wasiirada dastuurka ee  wasaaradahooda ay kala shaqayn doonaan sidii heshiis farsamo looga gaari  lahaa arrimaha u baahan wada xaajiiodyada siyaasadeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS   Maxamed Abukar Zubeyr ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada  shaqynta agaasimayaasha guud ee wasaraadaha dastuurka ee heer federal  iyo heer dowla goboleed, si loo kala sooco arrimaha farsamo iyo arrimaha  siyaasadda.

“Natiijada laga filayo kulankaan ayaa ah in sare loo qaado wacyiga, fahanka iyo macluumaadka heerarka uumarayo dib-u-eegista dastuurka si la iskula jaanqaado” ayuu yuri Agaasimaha Guud ee Wasarradda Dastuurka XFS Mohamed Abukar Zubeyr.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Warsame oo kulanka furay ayaa uga mahadceliyay agaasimayaasha guud sida ay u aqbaleen marti galinta shirka, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqaynta agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed si loo dhammaystiro Dastuurka ku meelaarka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]