4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland oo madaxweynaha ku eedeeyey dib u dhaca doorashooyinka

 

Talaado, December 10, 2019 (HOL )– Labadda Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa sheegay inay xidhiidhkii madaxweynaha la lahaayeen u jareen  illaa uu soo afjaro khilaafka doorashooyinka oo uu qabto doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayey afka labada xisbi mucaarad ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu qawlkiisa iyo ficilkiisu kala duwan yahay, waxaanay ku eedeeyeen in aanu ogolayn inay dalkan doorasho ka dhacdo.

“Qofka masuulka ah marka uurkiisa iyo afkiisu is yeelan waayo waa masuubo weyn, qofka madaxda ah waa in qawlkiisa iyo ficilkiisu is yeeshaan, madaxweyne Biixi labadaas sanadood ee uu dalka hayey hadaladiisu iyo ficilkiisu ismalaha, doorashada waxa uu xilku ka saaran yahay waa madaxweynaha, xisbiyada kama saarna masuuliyada”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu intaas ku daray “Madaxweynuhu markii hore in aanay doorasho dhicin wuxuu marmarsiiyo ka dhigtay xisbi qudha oo yidhi kuma kalsooni gudidaasi doorashooyinka hadii madaxweynuhu daacad ka yahay doorashada wuu qaban lahaa, madaxweynaha tanaasul badan baanu u samaynay sidii uu doonayey ayaa la nagu dhexdhexaadiyey baarlamaanka ha loo gudbiyo tiradda laga dhigayo guddida doorashooyinka waanu ka ogolaanay, waakii hor degay baarlamaankii ee tiisii u socotay, si mar kale doorashadu u dhicin ayuu xeerkii doorashooyinka jabiyey oo uu guddidii doorashooyinka ku soo daray nin uu sharcigu qabanayo, iyadoo arrintaasi la isku haysto ayuu muddo kordhin sameeyey, mar kale guddidii buu iska dhaariyey khilaafku ka taagnaa, mar kale ninkii khilaafku ka taagnaa ayuu gudoomiye uga dhigay oo afar qof doorteen, marka muran buu diyaar u yahay ”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in madaxweynuhu isku sawiray in goleyaasha u kordhiyo isna uu korodhsado taasna aanay dhaceen oo ay isku xidhan yihiiin doorashooyinka goleyaasha baarlamaanka iyo kursigiisu.

“Doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanku iyo kursigiisu wuu isku xidhan yahay hadii aanu doorashaasi qaban madaxweyne noqon maayo.”ayuu yidhi Faysal.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii madaxweynuhu sheegay inuu la kulmi doonno gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah oo ay dhamayn doonaan khilaafka doorashooyinka.

“Waa mihiim inaynu doorasho qabanno, waxana ay doorashadu dib ugu dhacaysaa khilaafka xisbiyada,Labada guddoomiye xisbi mucaarid waxan ugu baaqayaa inaan shir degdeg ah isugu nimaadno.." ayuu yidhi madaxweyne Biixi, waxaana hadalkaasi markiiba ka jawaabay xisbiyada mucaaradka oo qaadacay inay kulan la yeesahan madaxweynaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.