4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Barlamaanka Puntland oo xasaanadii xildhibaanimo ka qaaday guddomiyihii hore ee barlamaanka Puntland

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Barlamaanka Puntland ayaa maanta xasaanadii xildhibaanimo ka qaaday guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), kadib markii lagasoo gudbiyay mooshin.

39 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in xasaanada xubinimada laga xayuubiyo guddoomiyihii hore oo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray kala qeybinta midnimada iyo jiritaanka Puntland.

Hal xildhibaan oo ah guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka aamusay mooshinka oo ay dhammaan u codeeyeen xildhibaanadii golaha ku sugnaa oo gaarayay 40 mudane.

Cabdixakiin Dhoobo ayaa hadda ku sugan dalka Ethiopia, isagoo halkaas u aaday kulamo ku saabsan sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe uu damacsan yahay oo ah in gobolada Sanaag iyo Sool yeeshaan maamul ka madax banaan Puntland, waana sababta uu ku waayay xasaanadiiisii.

Barlamaanka Puntland ayaa horey mooshin xilkii guddoomiyihii uga qaaday Cabdixakiin Dhoobo-daareed kadib markii lagu eedeeyay inuu carqalad ku ahaa wada shaqaynta xukuumada iyo barlamaanka.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]