4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Puntland oo dalbatay in si sharuud la'aan ah lagu joojiyo colaada Towfiiq

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa walaac xoog leh ka muujiyay colaadda kasoo cusboonaatay aagga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.

Warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland iyadoo ka duulaysa ilaalinta nabadda, xasilloonida, horumarka iyo wada dhalashada Ummadda Soomaaliyeed ay ku baaqayso in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka.

Puntland waxay dalbatay in si bilaa shuruud ah oo aan gorgortan lahayn loo joojiyo dagaalka, wixii xurguf ah oo is-afgaran waa ahna lagu dhammeeyo wada-xaajood ay saldhig u tahay ka wada shaqaynta nabadda, ilaalinta xasilloonida iyo xeerinta wada dhalashada.

Puntland waxay sheegtay inay uga digeyso cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa hurinta colaadaas. Sidaas darteed, waxay ugu baaqday hoggaanka dhaqanka, aqoonyahannada, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaas, in laga wada shaqeeyo joojinta colaadda iyo ilaalinta xasilloonida, wada noolaanshaha iyo nabad gelyada gobolka.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]