4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay Amniga Doorashooyinka Qaranka

 

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Iyadoo loo diyaar-garoobayo Doorashooyin heer Qaran a hoo dalka ka dhaca ayaa waxaa kulan looga hadlayo Amniga Doorashooyinka ku yeeshay magaalada Muqdisho Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu horkacayo Jen  Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan  iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, francisco Madeira.

Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayey Wakiil ka socday kooxda Copenhagen (C6+), iyaga oo ka wada hadlay  diyaar garowga ammaan iyo sida loo xaqiijin karo doorasho si ammaan ah uga dhacda dalka Soomaaliya.

Kooxda (C6+) ayaa ka kooban Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo IGAD,kuwaas oo dhamaantood taageera siiya Soomaaliya.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, francisco Madeira ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,iyaga oo ugu baaqay in la dardar geliyo ansixinta Sharciga doorashooyinka Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]