Faah faahin qaabkii uu u dhacay qaraxii xarunta maamulka gobolka Banaadir 24kii July
The Somali government identified the woman
in the center of this 2018 UNSOM photo as the suicide bomber who killed eight
people, including Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman, in a July 24, 2019,
attack.-
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Dowladda
Soomaaliya ayaa maanta warbixin hor dhac ka soo saartay qaraxii 24kii bishii
July ee ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar kaasoo sababay geerida 8 ruux
oo uu ka mid ahaa Duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.
Haddaba warbixinta dowladda ayaa lagu xusay in
qaraxan ay ka danbeysan qof dumar ah oo ka tirsaneyd shaqaalaha dowladda hoose,
iyada oo gacan ka heleysa qof kale oo ku qorneyd kaaliye shaqaalana ka aheyd
isla xarunta dowladda hoose.
Warbixintan Dowladda laguma muujin magac-yada labadan
gabdhood, balse warbixin lagu daabacay bogga VOA-da ayaa lagu faah faahiyay
warbixinno ku saabsan labada gabdhood iyada oo la soo xiganayo qaar ka mid ah
laamaha Amniga.
Gabadha is aarxisay sida ay hay’adaha amnigu sheegeen waxay in muddo ah
isticmaalaysay magaca Basira Cabdi Maxamed, laakiin magaceeda dhabta ah waxaa
uu ahaa “Maryan”
Gabadha labaad ayaa iyana ku shaqaynaysay magaca “Deggan”, balse magaceeda
dhabta ah waa “Hodan”. Waxay Sidoo kale Hodan ka been sheegtay iskuulka ay
dhiganaysay markii shaqada la qorayey.
Hodan Waxaa la aaminsan yahay inaysan ku dhiman weerarka, ayna u baxsatay
dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan.
Labada Gabdhood oo mar fasax qaatay ayaa la sheegay in markii ay fasaxa
qaadanayeen ay ku horraysay Hodan, kadibna Maryan oo soo laabatay maalmo ka hor
dabbaaldegyadii xorriyadda.
Maryan ayaa ku dadaashay in ay ka qayb-gasho munaasabadaha 26-ka Juun iyo
1-da Luulyo oo labadaba Madaxweynuhu ka qaybgalay, hase yeeshee waxaa baaritaan
ku jira inay doonaysay in madaxweynaha ay bartilmaameedsato.
Warar dhinaca amniga ah waxaa ay sheegeen In la bixiyey digniino ku saabsan
dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn. Ma cadda In labada dumarka ah si gaar ah loo
xusay.
Saraakiishu waxaa ay sidoo kale aaminsan yihiin
In Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu lacag dhan 10
kun oo dollar siiyey Maryan markii ay u sheegtay inay dhakhtar u tageyso
Hindiya ah taasi oo been noqotay, siday xogaha amnigu sheegeen.
Labadan Gabdhood ayaa la sheegay in maalintii qaraxa midkoodna la baarin,
ayna tageen xafiiska guddoomiyaha iyagoo codsanaya inay la kulmaan balse loo
sheegay in uu mashquulsan yahay.
Warbixinta ay soo saartay dowladda ee ku saabsan
falkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay xarunta dowladda hoose laguma sheegin in
bartilmaameedka qaraxu ahaa wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey Jemas Swan
oo ay Al-shabaab sheegeen in ay beegsanayeen.