4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika


Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-  Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku sugan dalka Koonfur Afrika, halkaa oo uu uga qaybgalay shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada  Johannesburg  ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ka jeediyay khudbad ku baxeysay luuqada Ingiriiska, isagoo kaga hadlay dhowr qodod oo quseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo tan guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu khudbadiisa diiradda ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadigga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la fiiriyo dadka gudaha ku barakacay Soomaaliya uu yahay waddanka ugu badan, dhanka Soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in haddii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo.

Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’addaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta oo aan u muuqan sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo.

 Maxamed Mursal ,Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhammaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan.

Gabagabadii, mar uu ka hadlayay dhinaca xallinta khilaafyada ee qaaradda iyo sida xalkooda loo wajaho ayuu soo hadal qaaday in ay badatay in xallinta khilaafyada hub ama hannaan aan wada-hadal aheyn loo adeegsado taasina uu sheegay in ay kaga habboontahay in khilaaf kasta iyo kala aragti duwanaansho walba lagu xalliyo wada-hadal dadka ay quseysana loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah maadaamaa buu yiri  adduunyadu hadda ay u gudubtay in wax walba xalkooda dib u heshiisiin lagu dhammeeyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]