10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2019
Dahab Shiil Bank oo xarun ka hergalisay Suuqa Labaad ee ugu weyn Soomaaliya


Khamiis, Augusto, 29, 2019 (HOL) –Munaasabada lagu daah furayay xarunta cusub ee Bankiga Dahab Shiil uu ka hergaliyay Suuqa Labaad ee ugu weyn Soomaaliya Suuq Bacaad ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uul sar sare oo ka tirsan shirkadda.

Cisman Cali Xalane oo ah Maamulaha Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya ee Dahan Shiil Banki ayaa sheegay in ma rkasta ay u taagan yihiin in ay door muuhim ah ka qaataan horumarinta ganacsiga iyo macaamiisha ku xiran Bankiga Dahab Shiil.

“Waxaad ka heli doontaan adeeg kasta, waxaa muhiim in ay ku soo dhaowaadan ganacsatada reer Suuq Bacaad waxaan maal gelineynaa riyadaada, macaamiisha waxaa ay heli doonaan adeeg kasta oo ay ugu baahan yihiin Bankiga Dahab Shiil,.”ayuu yiri Cismaan Cali Xalane Maamulaha Dahabshiil Bank ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maamulaha xarunta Dahab-shiil Bank International ee Suuq Bacaad Mulki Xaaji Abuukar oo ah aqoonyahan qibrad iyo aqoon u leh maamulka muddo 12 sano u shaqeynaysay Dahab-Shiil International Bank oo ka hadashay munaasabadan ayaa ugu baaqday bulshada soomaliyeed in ay ka mid noqdaan macaashiisa dahabshil bank international ee suuq bacaad maanta laga daahfuray.

Waxaa ay baaq ujeedisay dumar ka soomaliyeed in ay wax bartaan kana faai’deystaan maal-gelinta Ganacsiga ee Dahab Shiil Bank International.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]