Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka difaacaya sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamadan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo
la-dagaalanka Al-Shabaab.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada
xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada
xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax
ku ool ah kasoo hooyeen howl gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]