Xisbiga WADDANI oo eeddo usoo jeediyey xukuumadda madaxweyne Biixi
![](https://hiiraan.com/images/2019/Aug/2019824637022342175479063barkhad%20Batuun.jpg)
Sabti, August, 24, 2019 (HOL – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa eedihii ugu cuslaa usoo jeediyey madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa.
Sidoo kale, waxay sheegeen in
taariikhda markii ugu horeysay magaalada Badhan laga dajiyey calankii
Somaliland, ka dib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ku biireen Puntland.
“Laba sanno oo xukunka kulmiye
hayey cabashada shacabku aad buu usoo badanayey, Somaliland calankeeda uu tawxiidku ku qoran yahay muddo
sodon sanadood ku beegan waa markii ugu
horeysay ee dhulka la dhigo, ceebteeda waxa uu dusha ka saaran yahay cidda
xukunka haya oo uu kow ka yahay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha ee
amniga qaabilsan”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga WADANI Barkhad Batuun.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in
wasiirka Arrimaha Guduhu ku mashquulay komishanka doorashooyinka iyo muranka
xisbiyada dhexdeeda, taasina ay keentay in xaalada Bariga Sanaag is bedesho.
“Wasiirkii arimaha guduhu inta
uu ku mashquulsana komishanka
doorashooyinka iyo muranka xisbiyada waxa galbatay sanag bari, 2018-kii
mdaxweynihii Puntland Cabdwali Gaas ayaa yimid Badhan oo dhagax dhigay
jaamacad, waxa kale oo yimid wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, waxa kale oo jira
in ciidan ka tirsan Somaliland ay ku biireen Puntland, waxa shalay dhacay
magaalada Badhan badhtankeeda guuto taariikh ku lahayd Somaliland ay ku biireen
Puntland, afartaa dhacdo iyo kuwo kale oo soo socda waa la daawanayaa”ayuu
yidhi.
Mar kale waxa uu sheegay
afhayeenka xisbiga WADANI in xukuumadii loo dirsaday inay xuduudaha qaranka
ilaaliso ku bedelatay inay urursato xoolihii ummadda, waxaanu yidhi “Illaalinta
xuduuduhu qaranku waxay u baahan tahay hogaamin xilkasnimo leh ee uma baahna
hogaamin xoolo urursi u timid, cabsi badan waxay nagaga haysaa saddex sanno ka
dib marka uu dhamaado xilkoodu inaan ugu iman wayno dad iyo dal midda, tan iyo
intii ay kursigaasi fuuleen shacabka is nec iyo xalin la’aan kala fogaanshihii
ay doorashadu keentay baa bulshada ku dhacday”.
Eedahan ayaa yimid ka dib markii
guuto ka tirsan ciidanka Militeriga Somaliland oo degan Badhan ku biireen
ciidanka Puntland, haseyeeshee illaa maanta kama hadal xukuumadda iyo
wasaaradii gaashaandhiga.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland.